Su’aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?

Su’aal: Waa Maxay Faaidada Subaga Idaha?

daajis.com:-Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala gadisan, haddii aan isku dayo xanuunada ay soomaalida ku daawayso waxaa ka mid ah:

1- Gooryaanka iyo bakteeriyada caloosha gasho.
2- Hargabka iyo ifilada
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha la dhaho oo futada kaga dhaco caruurto oo cuncunka siyaadada leh.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno “Sciatica”
7- Waxaa kaloo lagu daaweeyaa xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Waxaa lagu daaweeyaa gaas calooleedka ee nooca “Ulcer” ka ah.
9- Haweenka dilmo waa la siiyaa si makaanka loogu nadiifiiyo oo xinjirta iyo wixii ku haray u soo baxaan.

Waxay kaloo Soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.

Marka su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah:

Maxaa ka jiro in Subaga Idaha uu daaweeyo xanuunadaas kor aan ku soo xusay?

Marka hore Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan, bal fikrad ka qaado xanuunkaan oo ka akhriso halkaan:

http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html.
Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii hore.

Sababta labadaas shardi iyo faa’idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:

1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa’idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan al daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.
2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho “Saturated Fat”, noocne waxaa la yiraahdaa faa’ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa “unsaturated fat”, sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana “Unsaturated Fat”, waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo “OMEGA”.
Maadadaan waaye waxa jirka faa’ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.

Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa’ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii hore la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.

Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah cabsi laga qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa’idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la’aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa’idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.

Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay.

Mana ahan soomaalida dadka kailya ee isticmaala Subaga Idaha, wanka ugu fiican ee laga helo subagaan la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.

Waxa aad loola yaabo ee cilmibaarayaasha sheegaan waa in wadna xanuunka iyo ka hortagga baruurta fadhiisato xididada in lagu daaweeyo Subaga Idaha iskaba daa inuu keeno Kolestarool.

Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.

Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee “Peptic Ulcer” oo aysan keenin bakteeriyada “H.Pylori” iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.

Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarista taageersan isku daaweynta Suabaga Idaha.

Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo oo la sooco subaga cad ee soo hara ee fadhiisto waaye midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado.

Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo caafimaad lagu soo koriyay, yuusan ku dhaafin, in jirkaaga uu ku milmay waxaad ku ogaan kartaa adigoo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta, kaadida laga dareemo shirifka ama carafta subagga.
Haddii aad su’aalo dheeraad ah qabtid oo ku saabsan qoraalkaan waad na soo waydiin kartaa.

XIGASHO: Somali Doc

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada