daajis.com:- Magaalada Kismaayo ee xaruunta maamulka Jubbaland waxa maanta lagu wadaa inay ka qabsoonto doorshada madaxweynaha maamulkaasi.Murshaxiinta u tartamaysa xilkaasi ayaa ka hadlay barnaamijkooda siyaasadeed.
Doorashadaan xilka Madaxtinimo ee Jubbaland ee maanta waxaa u tartamaya 4 musharax, waxaana maalinkii shalay ahaa musharixiintaas ay jeediyeen khudbado ay kaga hadleen mid walbo waxa uu samayn doono hadii uu maanta kusoo baxo xilka Madaxtinimo ee maamulkaas uu yeelanyo.
Axmed Madoobe oo ahaa M/weynaha KMG ah ee maamulka Jubba, ayaa waxa uu ka hadlay khudbadiisa caqabadaha maamulkiisa horyimid ee Xaga khilaafaadka ah iyo diidmada Baarlamaanka ee dhawaan lasoo dhisay, waxa uuna sheegay hadii uu guuleeysto inuu dib’u eegis ku samayn doono cabashada jirta ee kasoo yeereysa qaar kamid ah dadka deegaanadaas dega
“…Waxaan nahay reer Jubbaland waxaanahay dad isku mid ah, midnimada ummada in la isu keeno oo waxa ay tabanayaan wax laga qabto waa muhiim, Jubbaland maanta waa meel u siman Soomaali oo dhan, waxaana dooneynaa in aan tusaale wanaagsan u noqono Soomaaliya oo dhan….” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Hogaamiyaha Jubbaland ayaa khudbadiisa uga hadlay cabashooyinkii ka yimid dhismihii Baarlamaanka Jubbaland, isagoo sheegay in uu ahaa heshiis la wada gaaray in deegaan lagu qeybsado kuraasta Baarlamaanka, Axmed Madoobe ayaa balan qaaday hadii dib loo doorto in uu guddi u saarayo dadka doonaya in xubno laga siiyo Baarlamaanka, qorshahaasi oo ay horkiini doonaan Baarlamaanka si wax looga qabto.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu jiro wadahadal u socda Jubbaland iyo Federaalka, isagoo sheegay in uu filayo in wadahadalkaasi ay sii dhameystiri doonaan hadii lasoo doorto ama ay taasi fulin doonaan cidii ku guuleysata doorashada.
Dadka u dhuundaloola arrimaha Jubbooyinka ayaa doorashadan ku tilmaamay in ay tahay mid si dhib yar loogu dooran doono Axmed Madoobe ayna ka dhigan tahay Nin Dooran Doorta. Guud ahaan ammaanka magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan la dhigay wadooyinka magaalada waxaana halkaas gaaray siyaasiyiin badan waxaana ka mid ah siyaasiyiinta gaaray magaalada Kismaayo Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha dowlada Federalka Soomaaliya C/rashiid Xiddig.
By/Bashiir Addow
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:20 and have
, Published at