daajis.com:- Kayla Mueller, oo ah haweeneey u dhalatay dalka Mareeykanka islamarkaasina u dhaqdhaqaaqi jirtay arrimaha aadanaha, oo ku dhimatay dagaal dhex maray ciidamada Mareeykanka iyo dagaalyahanada Daacish xili la doonayay in laga soo furto Daacish, ayaa waxaa lasoo warinayaa in uu dhowr mar xadgudub dhanka Jinsiga ah kula kacay Hogaamiyaha Ururka Daacish ninka lagu magacaabo Abu Bakr al-Baghdadi.
Qoyska ay ka dhalatay Kayla Mueller oo wareysi siiyay ABC news, ayaa sheegay in hogaamiyaha Daacish uu Gabadhooda dhowr mar si qasab ah ugu galmooday.
Qoyska Kayla ayaa sidoo kale sheegay, in masuuliyiin katirsan sirdoonka Mareeykanka ay u sheegeen in Gabadhooda marar badan uu si qasab ah ugu galmooday Hogamiyaha Daacish.
Kayla Mueller ayaa sanadkii 2013 lagu afduubtay magaalada Aleppo ee dalka Syria, waxaana masuuliyada afduubkaas sheegtay ururka Daacish, waxayna mudo kadib sheegeen ineey ku dhimatay duqeyn ay geysteen diyaaradaha dagaalka Jordan, laakin Mareeykanka ayaa dhankiisa sheegay ineey ku dhimatay Gacanta ururka.
Shabakada ABC News, ayaa sidoo kale sheegtay in masuuliyiin ka tirsan sirdoonka Mareeykanka ay u sheegeen in Kayla uu Abuubakar Al-Baghdadi uu geeystay Guri uu lahaa masuul sare oo Daacish u qaabilsan dhinaca Maaliyada, kaasoo lagu magacaabo “Abuu Sayaaf” halkaasna uu ku haystay iyadoona mararka qaar la kulmi jirtay jirdil xoogan iyo kufsi.
Sidoo kale ABC news, waxay sheegtay in hogaamiyaha Daacish uu si joogto ah u booqan jiray Guriga ay ku xabisneyd Kayla islamarkaasina uu si qasab ah ugu galmoon jiray.
Masuuliyiin ka tirsan sirdoonka Mareeykanka ayaa sheegay, ineey macluumaadkaan ka heleen 2 Gabdhood oo u dhashay Qoowmiyada laga tirada badan badan yahay ee (Yazidi), kuwaasoo hal Guri ay kuwada xirnaayeen Kayla Mueller.
Masuuliyiinta Mareeykanka ayaa sidoo kale sheegay in Kayla waqtiyada qaar ay la qaadan jirtay Abuu Sayaaf iyo Xaaskiisa, kaasoo lagu qabtay howlgal gaar ah oo ay ciidamada Mareeykanka sameeyeen Bishii May ee lasoo dhaafay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:21 and have
, Published at