Norway: Nin u dhashey dalka Jabuuti oo Norway laga masaafurinaayo!

Norway: Nin u dhashey dalka Jabuuti oo Norway laga masaafurinaayo!

daajis.com:- 23 sano jir magiciisa lagu sheegay Mubaarak Xaaji Axmed ayaa ka mid ahaa dadkii ka badbaadey xasuuqii ka dhacay Jaziirada Utøya ee dalka Norway sanadkii 2011. Walaakiis waxa uu ka mid ahaa dadkii lagu diley xasuuqaas oo uu fuliyey nin u dhashey dalka Norway isla markaana uu diley dad ka badan 77 qof oo dhalinyaro u badan.

Dalka Norway ayaa hadda Mubabark Xaaji ka masaafurinaya dalkooda oo uu degganaa tan oyo markii uu ahaa 10 sano jir, sida BULSHA oo ka soo xiganayso Norska TV2.

– Maan arkin sidii walaalkey loo diley, waxaanse u tagnaa sida dadkii kale loo dilaayey, aniguna waan sigtey, mid ka mid ah dhegahaygana si fiican wax ugama maqlo ayuu u sheegay Mubaarak TV2.

Mubaarak, xaaskiisu waxay u dhalatey dalka Norway, waxaana ay u haysaa gabadh laba bilood jirta, waxaa dhibato ka haysataa xusuustii Jasiiradda Utøya, waxaana uu sheegay in uu u baahan yahay xanaaneyn.

Si kastaba ha ahaatee Norway waxay go’aansatey in ay dalkeeda ka masaafuriso, kadib markii labadii waalid ee dhalay Mubaarak ay been ka sheegeen dalka ay ka soo jeedaan oo ay u dhasheen. Mubaarak waalidkiis waxay sheegteen in ay Soomaaliya u dhasheen, waxaana la ogaadey in ay u dhasheen dalka Jabuuti.


– Waan ku argagaxay markaan maqley waa lagu masaafurin, Iskoolka hoose halkan ayaan ka dhigtey, waxaan deganaa Norway tan iyo caruurnimadeydi, ma awoodo in aan ka tago xaaskeyga iyo ilmahayga, wax soconaaya maaha ayuu yiri Mubaarak Xaaji.

Beenta ay sheegeen waalidkiis waxay soo baxdey markii Mubarak uu dalbadey dhalashada dalka Norway. Aabaha dhalay Mubaarak waa la masaafuriyey isaga oo xanuunsan, waxaana uu geeriyoodey shan maalmood kadib markii uu ka degay dalka Jabuuti, sida ayqortey warbaahinta dalka Norway oo Horseed ka soo xigatey.

Hanad Askar

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada