War Deg Deg ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo la doortay iyo Dabaaldagyo kasocda Kismaayo

War Deg Deg ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo la doortay iyo Dabaaldagyo kasocda Kismaayo

daajis.com:- Waxaa soo idlaatay Doorashadii goordhow ka bilaabatay Magaalada Kismaayo ee xarunta GobolkaJubada Hoose kaasi oo ay ku tartamayeen 4 musharax.

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in doorashada uu ku guuleystay Hogaamiyihii hore ee Maamulka Jubnaland Axmed Madoobe oo isaga helay Codkii ugu badnaa.

Baarlamaanka Jubbaland ee wax doorayay ayaa ahaa 75-xildhibaan waxaana codkooda dhiibtay ilaa 74-Xildhibaan halka Xildhibaan kalana uu kamaqnaa madasha doorashada.

Waxaa Magaalada Kismaayo hada ka socda Mashxarad iyo dabaaldagyo ay sameenayaan taageeyaasha Hogaamiyaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, waxaana markii la sheegay inuu isaga guuleystay Kismaayo ka bilaabaty Rasaas oo loogu dabaaldagaayo.


Hoos ka aqriso qaabka ay u kala cod badnaayen Musharaxiinta

Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo helay (68 cod)

Hilowle Aadan Maxamed (2 cod)

Cismaan Xuseen Feyruus (2 cod)

Maxamed Cismaan Yuusuf (0)

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada