daajis.com:- Gudmoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muuungaab ” ayaa casuumaad uu ka helay dhigiisa magaalada Baden ee dalka Swizerland ku tegay dalkaasi, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Zurich iyo madaxda dalkaasi.
Maalinta Beri ah ayaa Wefdiga Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu hoggaamiye Muungaab iyo Masuuliyiinta Maamulka Magaada Baden oo uu horkacayo Duqa magaaladaasi ay wada qaadan doonaan kulan gaar ah oo lagu mataaneynayo Magaalooyinka Muqdisho iyo BADEN, waxaana ajandaha ku jira in Nidaamka Federaalka Swistzerland , nidaamka Axzaabta, iyo qaabka xoojinta Swiss iyo Soomaali ay ka wada hadli doonaan labada dhinac.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale kulan la qaadan doona Soomalaida ku nool Dalkaasi si uu ugu dhiirrigaliyo In ay ka qeybqaataan dib u dhiska iyo Maalgashiga dalka Soomaaliya kadib markii Muqdisho ay ku talaabsatay Nabad iyo Degganaasho sababtay in uu Caalamkii dib ugu soo laabtay soomaaliya
Wafdiga Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii la kulmi doona Masuuliyinta Wasaradda Arimaha Dibadda Dalkaasi Swistzerland iyaga oo ka wada hadli doona Xoojinta Xiriirka Soomaaliya iyo Swiss.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 09:05 and have
, Published at