Hadii Aad Su’aalahaan Jawaab U Hesho Waxaad Garatay Sidee aad Ula Noolaan Laheyd Xaajigaaga.

Hadii Aad Su’aalahaan Jawaab U Hesho Waxaad Garatay Sidee aad Ula Noolaan Laheyd Xaajigaaga.

daajis.com:- Haween badan ayaa ku jahwareersan in ay guul ka gaaraan in ay xog badan ka helaan qaabka ay ula tacaamulayaan seygooda taasina ay sabab u tahay faham daro ku aadan xog aysan ka hayn waxa ay ku leedahay iyo waxa uu xaq ahaan ugu leeyahay .

Sababtoo ah xaqa laguugu leeyahay waa uu badan yahy hadaba Zowja waliba ee rabta in uu guurkeeda noqdo naajix waa in ay dib u daraaseysaa dhaqankeeda , waliba ayadoo la kaashaneysa sayigeeda oo weydiinaysa waxa uu jecelyahay iyo waliba waxa uu naceb yahay.

Ka dib  si ay u hesho qaacida ay wax ku dhisto. waana in ay ku cadeecdaa wax walba oo aan ilaahay loogu caasinayn.

Marka hore isweydii su`aalahan :-

1-ma is weydiisay waxa uu xaq kuugu leeyahay zowjkaada?

2-maxaase lagaaga baahan yahay in aad u sameyso?

3-ma isku dayday in aad wax ka badasho dabeecadii uu kuula yimid ama dhaqankii uu kala yimaaaday gurigii hooyadis?

4-mase isweydiisay in dalabaadkaagu xad leeyihiin ?

5-mase ku saaciday waxa uu u baahan yahay in lagu saacido?

6-ma isku dayday in aad ka fogaato waxyaabaha aad isleedahay waa ay dhaawacayaan qalbigiisa?

7-ma isweydiisay in aad ihtimaam siisay ?.

Ogaw hadaad su`aalahaan jawaab u heshay guusha waad gaartay , aqristoow fikirkaada wa inoo muhiim.


Umuurtasi waxa ay keentaa in si fudud uu u dumo qoyskii ,iyadoo ay haboonaan laheyd in marka hore labada dhinac ogaadaan waxa ay isku leeyihiin gaar ahaan in dumarka si rasmi ah u ogadaan waxa lagu leeyahay .

Hadaba haddaad su`aalahaas jawaab u hesho micnuha waa aad garatay sida aad ula tacaamulilahayd sayigaada.

Qalinkii: Zuhaar

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada