daajis.com:- Kenya oo soo bandhigtay muuqaalada Seddax sarkaal oo Al-Shabaab dhalinyarada u qora.
Taliska Booliska Kenya ayaa soo bandhigay muuqaalada iyo magacyada saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in dhalinyarada Kenyaatiga ah u qoraan inay Al-Shabaab ku biiraan.
Saddexda sarkaal ayaa lagu eedeeyay in ay dhalinyarada ku wacyi geliyaan baraha bulshada, isla markaana maskaxda uga bedela sidii ay ugu biiri lahayaeen Al-Shabab.
shabaab-kenyanXubnaha la soo bandhigay ayaa waxaa magacyadooda ay kala yihiin C/fataax Abuukar Axmed, Ramadaan Hamisi Kufunguwa iyo Axmed Iimaan oo la sheego inuu yahay hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa si gaar ah booliska ay ugu eedyeen C/fataax Abuukar inuu ka qeyb qaatay weeraro ka dhacay gobolka xeebta ee ay fuliyeen Al-Shabaab.
Waxaa kaloo Booliska Kenya ay sheegeen in kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish ay dhalinyaro ka qorteen Kenya, ayna jireen illaa 12 dhalinyaro Kenya ah oo ka bar bar dagaalama kooxdaas.
Booliska Kenya ayaa dhowr jeer oo hore soo bandhigay sawirada iyo magacyada dagaalyahano Kenyan ah oo ka bar bar dagaalama Al-Shabaab, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay weeraro maleegayaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:24 and have
, Published at