daajis.com:- Salaad Xasan Cabdi waa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan isla markaana ku Sime u ah Guddoomiyaha Gobalka C/fataax Xasan Afrax waxa uuna BBC laanteeda afka Somaliga u sheegay cidda B/weyne u diiday Danjire Max’ed Cali Ameriko.
Gudoomiye ku xigeenkan ayaa sheegay go’aanka Max’ed Cali Ameeriko logu diiday inuu galo Magaalada Beladweyne uu kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, waxa uuna cadeeyay gudoomiye Salaad in isaga uu ka xumaaday.
“Markii aan soo dhaweynay oo aan Beladweyne duleedkeeda uga hortagnay, ayaa waxaa soo hadlay oo amar soo bixiyay Guddoomiyaha Gobolka oo yiri Maxamed Cali Ameeriko meesha uu joogo haka noqdo Magaalada Beladweyne ma geli karo.” Ayuu Salaad Xasan Cabdi u sheegay BBC-da
C/fataax Xasan Afrax ayaa la sheegay sababaha uu B/weyne ugu diiday Cali Ameriko ay tahay in uu kaga baqay dhanka Siyaasadeed maadaama shacabka B/weyne ay rabeen in danjiraha uu soo galo magaalada si ay u soo dhaweeyaan.
Dhanka kale Gudoomiye Salaad ayaa sheegay in iyaga ay isku dayeen in ay xaliyaan arinkaan isla markaana ay ka dhaadhciyeen Gudoomiyaha Gobalka in Cali Ameriko uu u socdo arin nabadeed balse uusan wadin waxa uu sheegay Siyaasad dadban.
“Waxaan isku daynay inaan Guddoomiyaha Gobolka ku qancino Cali Ameeriko inuusan u socon arimo Siyaasadeed balse uu u socdo Socdaal uu ugu magacdaray Socdaalka Nabadda, laakiin Guddoomiyaha waan ku qancin weynay arintaasi.” Salaad Xasan Cabdi ayaa mar kale sidaasi yiri.
Iyadoo ay arintaasi ay taagan tahay ayaa mar kale Guddoomiyaha Gobolka uu soo hadlay, kuna amray masuuliyiinta Gobolka Hiiraan Cali Ameeriko uu geli karo Magaalada, balse arintaasi waxaa si adag u diiday Cali Ameeriko oo sheegay hadii markii hore loo diiday Magaalada Beladweyne inuu galo isaga oo muwaadin Soomaaliyeed ah inuu ka laabanaayo Magaaladaasi, dibna uu ugu noqonaayo Magaalada Guriceel oo uu waqtigaasi ka yimid.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:57 and have
, Published at