Shabaab oo dhacdo lama filaan ah ka sameeyay gudaha kenya+digniina u diray Shacabka..

Shabaab oo dhacdo lama filaan ah ka sameeyay gudaha kenya+digniina u diray Shacabka..

daajis.com:- Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in ku dhowaad 100 dagaalyahan oo Al-shabaab ah ay aroornimadii Axada galeen tuulada Basuba ee ka tirsan Lamu, halkaasi oo muddo saacad ka badan ay ugu khudbeynayeen dadka deegaanka.

Dagaalyahannada ayaa dadka deegaanka ay uga digeen in raacaan gawaarida dowladda, ayagoo ugu hanjabay in ay ciqaab adag marinayaan haddii ay warkooda u gudbiyaan laamaha ammaanka Kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay on in afar qof oo caddaan ah ay ka mid ahaayeen dagaalyahannada tuulada soo galay.

Kusimaha taliyaha booliska Kenya Robert Kitur ayaa xaqiijiyay arrintaasi.

Waa markii labaad ee muddo laba bilood gudahood ah oo ay Al-shabaab galaan deegaankaasi, ayagoo bishii June tuulada Mangai ay muddo 3 saac ah ugu khudbaynayeen dadka halkaa ku nool.


Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegaa in ay xarumo ku dhex leeyihiin keymaha Boni ee Lamu.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada