Madaxweynaha Koofur Galbeed, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo gaaray Marka

Madaxweynaha Koofur Galbeed, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo gaaray Marka

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan, Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wafdigan ayaa socdaalkooda ku wajahan yahay sidii ay u qiimeyn lahaayeen tacadiyadii dhowaan AMISOM ka geysteen Marka, waxaana haatan kulamo la leeyihiin Saraakiisha AMISOM iyo Odayaasha deegaanka.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale degmada geeyay Maamul cusub uu dhowaan u magacaabay Magaalada Marka, kaasoo bedelaya maamulkii hore ka jiray degmada.

Afhayeenka Madaxweynaha Koofur Galbeed C/qaadir Cashar Nadaara ayaa sheegay in wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Koofur Galbeed ay kulamo la leeyihiin shacabka deegaanka, isla markaana kala hadlayaan sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedka soo noq noqda iyo in nabada laga shaqeeyo.


Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah wafdiga ayaa sheegay inay soo qiimeynayaan dhibaatadii dhowaan ka dhacday Marka, ayna la kulmi doonaan dadkii dhibaatada soo gaartay.

Taliska AMISOM ayaa dhowaan qirtay in bishii hore Magaalada Marka ay ku dileen dad Shacab ah, islamarkaana ay u xiran yihiin kiiskaas Saddex Askari.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada