M/weynaha oo soo dhaweeyay qaabka ay u socdaan howlgalada ka dhanka ah al-shabaab

M/weynaha oo soo dhaweeyay qaabka ay u socdaan howlgalada ka dhanka ah al-shabaab

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay qaabka wanaagsan ee ay u socdaan hawlgallada milateri ee dalka looga sifeynayo kooxaha nabadda ka soo horjeeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyagoo xaalad adag ku jira ay si wanaagsan isku garabsanayaan ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, isla markaana ay guulo la taaban karo ka soo hoyeen gobollada Bay, Bakool, Gedo, Galguduud iyo Hiiraan.

“Aad baan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee hawlgalkan ka qeyb qaadanayaa. Hawlgalkan cusub waa mid loogu talagaley in muddo aad u yar Al Shabaab dalka oo dhan looga sifeeyo. Ciidammadan waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii caadiga ahayd dib u soo celiyaan, iyagoo isku furaya degaano horey u adkaa in la tago ama adeegyo loo fidiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in ciidammada Ethiopia ee hawlgalkan ka qeyb qaadanaya ay dadaal dheeri ah muujiyeen, iyagoo adeegsanayo awood dheeri ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tacsi u direy qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen geesiyadii ku naf waayey hawlgalka iyo sidoo kale dadka shacabka ah ee waxyeelada ay ka soo gaartey hawlgallada socda.


“Waxaan mar walba ku adkeynayaa ciidammadeena iyo kuwa taageeraya ee AMISOM inay si taxaddar leh u xaqiijiyaan nabadqabka iyo badbaadinta dadka rayidka ah, amarkaasina waa midka ay ku shaqeynayaan. Waxaa naga go’an in nidaamka iyo kala dambeynta lagu fuliyo hawlgallada socda, shacabkuna ay sii kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidammadan naftooda u huraya badbaadinta iyo nabad ku soo celinta waddanka.” Ayuu Madaxweynaha ku yiri War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiskiisa.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn mar kale hambalyo u direy Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo waddamada ciidammada iyo dhaqaalahaba ku deeqay hawlgalkan dalka looga sifeynayo cadowga, kaas oo uu Madaxweynuhu sheegay inuu horseedi doono degganaansho buuxda oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada