Nuxurka kulankii Safiirada Carabta iyo Madaxweynaha: Sawirro

Nuxurka kulankii Safiirada Carabta iyo Madaxweynaha: Sawirro

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay danjireyaasha dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo danjireyaasha ay ka wadahadleen xaaladaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta doorka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska Soomaaliya.

Xasan-wakiil-carab-2Warar madax bannaan ayaa sheegaya in Safiirada Carabta iyo Madaxweynaha ay ka hadleen xiisada siyaasadeed ee mooshinka horyaala Baarlamaanka, waxayna u muujiyeen Madaxweynaha in aysan la dhacsaneyn mooshinka horyaal baarlamaanka ee lagu ridayo Madaxweynaha.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Carabta taageerada ay mar walba Soomaaliya la garab taagan tahay, isagoo intaa ku darey in dowladda Soomaaliya , baarlamanka iyo hay’adaha kale ee dowliga ay diyaar u yihiin inay fududeyaan iskaashigaasi labada dhinac ka dhexeeya.Xasan-wakiil-carab-1Danjireyaasha waddamada Carabta oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa soo dhoweeyay horumarka amniga, siyaasadda iyo midka baahinta xukunka ee ay ku tilaabsatey Soomaaliya, iyagoo intaa raaciyey in Soomaaliya aaney xiligan waqti u haynin inay lugaha la gasho khilaafaadyo kale oo siyaasadeed oo dib u dhac ku keeni kara horumarka la gaarey.

Danjireyaasha waddamada Djibouti (Dayib Dubad Rooble), Imaaraadka Carabta (Maxamed Al Cuthmaan) iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Cabdalla Idiris ayaa iyaguna sheegay in Jaamacadda Carabta ay laba laabeyso taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016, oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo.  





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada