Ogesysiis Ogesysiis Ogesysiis!!! Jaamacadda UNIKOM ee Dalka Indonesia oo fursad waxbarasho Siineysa Ardeyda Soomaaliyeed

Ogesysiis Ogesysiis Ogesysiis!!! Jaamacadda UNIKOM ee Dalka Indonesia oo fursad waxbarasho Siineysa Ardeyda Soomaaliyeed

daajis.com:- Ogesysiis Ogesysiis Ogesysiis!!! Madooneysaa in Ilmahaada ay wax ka bartaan Mid Kamid ah Jaamacadaha ugu wanaagsan Dalka Indonesia, Madooneysaa in Ilmahaada ay Wax ku bartaan Dalka ugu Muslimiinta Badan Dunidan Aynu Saaran nahay, Madooneysaa In Ilmahaada Ay Wax Ku Bartaan Dal Aad Isku Diin Tihiin, Madooneysaa Ilmahaada In Ay Maqlaan 5-Adaan Ee Salaadaha Faradhka Ah, Hadaba haddii ay Jawaabtaada "HAA" tahay Dhaqsa ugaar Jaamacadda UNIKOM.



Jaamacadda UNIKOM oo kamid ah Jaamacaddaha ugu tayo sareeya Bariga fog ee Qaaradda Asia ayaa fursad muhiim ah oo dhinaca waxbarashada usoo bandhigtay ardeyda Soomaaliyeed.

Fursadan oo ah mid cusub ayaa ardeyda Soomaalida la siinaya deeq waxbarasho (Scholarship) oo u dhiganta 60% oo ay wax uga baran karaan Jaamacadda oo xarunteeda tahay magaalada Bandung ee dalka INDONESIA.

Arrintaan ayaa ka dambeysay markii ay heshiis wada galeen Urur la yiraahdo Somali Education Consultant (SEC) iyo maamulka Jaamacadda oo arrintaan iska kaashanaya.

‘’ Fursadaan waa mid muhiim ah, faa’iido weyna u ah ardeyda Soomaaliyeed oo uga timi Jaamacad aad u tayo sareysa isla markaana kaalin sare uga jirta Jaamacaddaha ugu fiican Qaaradda Asia,’’ ayuu yiri Aadan Cabdi Cadow   oo kamid ah xubnaha Jaamacadda kala shaqeynaya sidii ardeyda Soomaaliyeed uga faa’ideysan lahaayeen fursadan.


Jaamacadda UNIKOM oo ah mid si gaar ah loo leeyahay waxaa dhigta ardey ajaaniib ah oo kala imid in ka badan 40-wadamood, waxaana ay xarumo ku leedahay Qaaraddaha Europe, Asia iyo Africa.



Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:

Aadan Cabdi Cadow (Aadan yo)

Phone: +6285650882629

Email: aadan21@gmail.com

Ibraahim Cabdiraxmaan  (ibraahin sunda)

Phone: +6285692679392

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada