XOG RW CC oo wada qorsho uu la dhacsan yahay Xassan Sheekh

XOG RW CC oo wada qorsho uu la dhacsan yahay Xassan Sheekh

daajis.com:- Wararka laga helaayo Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegaya in Sharmaarke uu bilaabay qorshooyin uu ku qaboojinaayo Kacdoonka BF ee Madaxweyne Xassan.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxa uu iminka kulamo kala duwan la qaadanayaa Xubnaha BF kuwooda sida aadka ah kaga soo horjeeda Madaxweynaha ee Mooshinka ka gudbiyay.

Sharmaarke ayaa wado ballamo uu u sameynaayo Xildhibaanada si mar un loo qafiifiyo Mooshinka faraha kasii baxaayo oo ay garab boodayaan Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Qafiifinta Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Xassan ayaa waxaa xal u raadinaayo Sharmaarke iyo Gudoomiyaha BF Maxamed Cusmaan Jawaari.

Warar hoose ayaa tibaaxaya in Xildhibaanada qaar ay diiden inay la kulmaan Ra’isul Wasaaraha dalka si uu ugala hadlo xiisada BF kala dhexeysa Madaxweyne Xassan.

Diidmada Xildhibaanada ee la kulanka Sharmaarke ayaa imaanaya xili Xildhibaanada BF gaar ahaan garabka horboodayo Mooshinka ay sheegen inaan dib looga laaban doonin Mooshinka Baarlamaanka horyaal.

Lama oga sida Madaxtooyada Somalia iyo BF isugu fahmi doonaan Mooshinka horyaal Gudoonka Sare ee BF.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada