daajis.com:- Warar Hoose oo hada ay Heshay Shabakada wararka Ee Baxdo.com ,islamarkaana ka Soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah u ah Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in hogaamiye C/kariin Xuseen Guuleed uu Golaha Wasiirada Maamulkaasi ku dhawaaqayo 26-ka Bishaan oo ah Arbacada Bari ah.
Hogaamiyaha kooxda Damul Jadiid ee Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in Golaha Wasiirada uu ku soo dari doono qaar kamid ah Musharaxiintii Xilka kula Tartamay iyo sidoo kale Xubno kamid ah Maleeshiyaadka Ahlusunna Waljamaaca.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhawaan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ka Codsaday in la siiyo 15 Maalin oo uu ku soo Magacaabo Golaha wasiirada Maamulkiisa,maadaama ay ka dhamatay Mudadii hore.
Wariyaha Baxdo.com ee Magaalada Cadaado ayaa haa Soo Warinaya in Hadal heynta saakay ay tahay Qorshahiisa Siyaasadeed ee hogaamiye Cabdi kariim Xuseen guuleed.
Arbacada la Soco Xubnaha Golaha wasiirada oo Shabada Wararka Baxdo.com ay baahin Doonto hadii aysan wax is ka badalin Qorshaha la doonayo in Xubnaha Golaha wasiirada lagu magacaabo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:31 and have

