daajis.com:- Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa iska fogeysay Warbixin ka soo baxday Kooxda la socota arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobey, kaasoo ahaa inay lacago si qaldan uga qaadatay Shirkadda Soma Oil & Gas, iyadoo warbixinta lagu sheegay in mushaaro sharci darro ah la siiyay Shaqaalaha Wasaaradda.
War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa lagu cadeeyay in aysan marnaba jirin lacago ay ka qaadatay shirka, iyadoo xustay inuu jiro heshiis dhex maray Wasaaradda iyo Shirkadda bishii April ee sanadkan 2015, isla markaana dhamaan lacagahaas ay martay wadada saxda, lana dhigay Bankiga Dhexe.
Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu xusay inay waxba kama jiraan tahay warbixinta Kooxda la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobey, isla markaana la socoto marin habaabin
“Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya dagaalo daba dheeraaday, waxaa sharaf inoo ah in Hey’addiheena ay ku howlan yihiin hagaajinta, horumarinta, maamul wanaaga, hufnaanta iyo isla xisaabtan, taasoo ah nuxurka weyn ee ay Soomaaliya dooneyso inay u qaado dhinaca maamulka saxd ah”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
Ugu dambeyn Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa sheegtay inay tixgelineyso in isticmaalka kheyraadka dalka ay dooneysi in si cadaalad iyo sinaan loo soo saaro, waxaana lagu tilmaamay in taasi ay sahli doono in dhaqaalaha dalka uu kobco, isla markaana la helo shaqooyin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at