Wiil uu dhalay Usama Bin Laden oo ka hadlay dagaalada Soomaaliya

Wiil uu dhalay Usama Bin Laden oo ka hadlay dagaalada Soomaaliya

daajis.com:- Xamza Usama Bin Ladan oo ah wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Alqaacida ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arimaha soomaaliya gaar ahaan dagaaka u dhexeeya Alshabaab iyo Amisom.

Xamza Usama Bin Laden oo laftiisu iminka ka tirsan yahay Alqaacida ayaa war uu saaray wuxuu ku amaanay alshabaab dagaalka ay kaga horjeedaan amisom iyo Dowlada Soomaaliya.

Mu’asasada Alsaxaab oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al Qaacidda ayaa baahisay warka Xamza Usama Bin laden oo maqal ahaa wuxuuna uga tacsiyeeyay Soomaalida gaar ahaan dagaalamayaasha alshabaab geeridii ku timid sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr amiirkii hore ee alshabaab.


“waxaan Soomaalida uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr amiirkii hore ee shabaabul Mujaahidiin”ayuuu yiri Ina Usama Bin Laden.

Xamza Usama wuxuu hanjabaad hawada u mariyay Mareykanka iyo guud ahaan reer galbeedka isagoo xusay inay weerari doonaan danahooda.

Si kastaba waa markii ugu horeysay oo caruurta usama Bin laden ay ka hadlaan xaalada dunida gara ahaan dagaalada u dhexeeya alqaacida iyo reer galbeedka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada