Hordhac: Man City vs Chelsea: Blues Oo U Baahan Sadex Dhibcood Si Ay Hogaanka Ugu Dhawaato

Hordhac: Man City vs Chelsea: Blues Oo U Baahan Sadex Dhibcood Si Ay Hogaanka Ugu Dhawaato

daajis.com:- Maanta kulanka xiiso leh ayaa jira waana maalinta loogu yeero Super Sunday kulanka ugu adag todobaadkaan horyaalada qaarada yurub ayaana ka dhici doona Etihad Stadium.

Labadii kooxood ee kaalmaha ugu horeeya ka galay horyaalka Ingiriiska xagaagii lasoo dhaafay ee Man City iyo Chelsea ayaa kulan adag uu ku dhexmari doonaa iyadoo City ay horay usoo shaqeysatay sadex dhibcood kulan ay 3-0 ku dhaaftay West Brom, halka Blues ay barbaro 2-2 ah lasoo gashay Swansea City.

Si kastaba Blues waxey u baahan tahay iney guul gaarto si aysan uga harin tareenka horyaalka xili bilow ah halka Man City iyana ay tiigsaneyso iney awood goolal ah kula wareegto hogaanka horyaalka oo ay haatan Leicester ku raaxeysaneyso waxaana ku wehliya United oo farqiga goolasha looga awood batay.

Xifaaltanka Mourinho iyo Pellegrini ayaa meel xiiso leh maraya iyadoo kooxda City ay qabto wali ciilkii horyaalka lagaga qaaday xagaagii lasoo dhaafay.

WARBIXINTA KULANKAAN:

Kulanka: Manchester City vs Chelsea

Tartanka: Premier League (Isbuuciisa 2-aad)

Garoonka: Etihad Stadium

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Africa)

Garsoore: Martin Atkinson

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA

Manchester City: Sergio Aguero ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo kulankaan, xidigaan reer Argentina ayaa kursiga keydka kusoo bilowday kulankii ay guusha ka heleen West Brom. Fabian Delph ayaa dhaawac ku seegaya kulankaan waxaana sidoo kale ku wehliya Fernando iyo Clichy kuwaas oo ayagana dhaawac ah.

Chelsea: Thibaut Courtios ayaa ganaax ku seegi doona kulankaan kaas oo casaan qaatay kulankii ay barbardhaca la galeen Swansea City. Asmir Begovic ayaa badali doona kaas oo ay 8 Malyan Oo Pound kala soo saxiixdeen Stoke City, sidoo kale Diego Costa ayey macquul inuu kusoo bilowdo kulankaan wuxuuna kasoo kabsaday dhaawac dhanka muruqa ah oo uu qabay dhawaanahaan.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City kaliya laba jeer ayey badisay 9-kii kulan ee ugu dambeyay oo ay Blues la ciyaarto (3 barbaro iyo 4 guuldaro).

Chelsea hal kulan guuldaro lama kulmin 28-kulan oo ay ciyaartay bisha January (23 guul iyo 5 barbardhac).

Jose Mourinho wuxuu guul gaaray 7-jeer, halka uu guuldaro kala kulmay 2-jeer dhamaan 12-kii kulan ee ay is arkeen Manuel Pellegrini (Sadex jeer barbaro ayey galeen).

Mourinho kaliya 9-jeer ayuu guuldaro la kulmay 77-kulan oo uu Chelsea macalin u ahaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay kooxdaan, sidoo kalana ogow inuu 10-kulan oo kaliya lumiyay 120-kulan oo uu horay u hogaamiyay Blues waqtigiisii ugu horeeyay.

Markii ugu dambeysay oo ay Chelsea bisha August guuldaro la kulanto waxey aheyd 23-kii August 2006, markaasna iyagoo marti ah ayey guuldaro 2-1 ah kala kulmeen Middlesbrough.

Manchester City waxey dhameystirtay 693 baas kulankii furitaanka horyaalka, waana in ka badan 212 koox walba oo EPL-ka ah.

Labadaba Fernandinho iyo David Silva ayaa sameeyay min 90-baas waana in ka badan ciyaariyahan walba oo ka ciyaara EPL-ka kulamadii furitaanka.

Tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horeeyay horyaalka Ingiriiska August 2010, David Silva waa xidiga ugu caawinta badan horyaalka wuxuuna sameeyay 47-gool.

Sergio Aguero ayaa 9-gool dhaliyay, sideedii kulan ee ugu dambeysay oo uu kasoo muuqday horyaalka Ingiriiska.

SAFKA MACQUULKA AH:

Mancehster City: Hart, Kompany, Mangala, Sagna, Kolarov, Fernandinho, Toure, Navas, Silva, Sterling, Aguero.

Chelsea: Begovic, Cahil, Terry, Ivanovic, Azpilicueta, Matic, Fabregas, Oscar, Willian, Hazard, Costa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada