Aabe Soomaaliyeed oo ku farxay in la xiro Xaaskiisa hore (Sabab+Sawirro)

Aabe Soomaaliyeed oo ku farxay in la xiro Xaaskiisa hore (Sabab+Sawirro)

daajis.com:- Booliiska Dalka Canada ayaa dhawaan gacanta ku dhigay haweeney Soomaaliyeed oo kunooleed dalkaasi mudo shan sano ah, waxa ayna haweeneydan horey ugu nooleed kana soo baxsatay Dalka Ingiriiska kadib markii ay isku dhaceyn ninkeeda.

Anisa Mohamed Ibrahim oo 35-samo jir ah ayaa lagu qabtay Dalka Canada, waxaana haweeneydan loo heestaa in ay ilmo ay dhashay kala soo baxsatay Magaalada Manchester ee Dalka Ingiriiska, waxaana baadi goob loogi jiray mudo shan sano ah.

Booliiska waxay sheegeen inay Haweeneydaasi Soomaaliyeed iyo labadeeda carruur ee Khalid iyo Ahmed oo horey ugu noolaa magaalladda Manchestar ee dalka Britain laga helay magaalladda Hamilton ee Gobalka Ontario ee Dalka Canada , kadib markii Booliiska heleen xog ku aadan Haweeneydaasi.

Anisa Mohamed Ibrahim, ayaa shalay lasoo taagay Maxkamada kutaala magaalada Hamilton, waxaana dhagesiga dacwadeeda kadib la go,aamiyay in maxkamada dib loogu soo celiyo 28-ka bishan Agooso, waxaana laga yaabaa in Maxkamadu amarto in dib loogu celiyo dalka Ingiriiska.


Dhinaca kale Aabaha dhalay labada Caruur ee hooyadeed la baxsatay oo lagu magacaabo Abdule Abuubakar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu farxay marka uu maqlay in la helay Xaaskiisa hore iyo labada wiil aykala fakatay.

” Aad ayaan ugu farxay waana maleysan waayay in la Canada laga helay xaaskaygii hore iyo labadeeda wiil, ma fileyn in ay Canada joogaan waxaan u heestay in ay kunool yihiin Soomaaliya” ayuu yiri Abdulle Abuubakar.

Wax uu sheegay Abuukar in uu qorsheenayo in dhawaan uu u safro Dalka Canada si uu usoo arko labadiisa wiil uu la’aa mudo ka badan shan Sano,waxa uuna mar kale cadeeyay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu dib u helo Wiilashiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada