Qiso Cajiib Badan Oo Laga Qaadan Karo Cashar Lama Illoobaan Ah Muxuu La Kulmay La Taliyihii?!!

Qiso Cajiib Badan Oo Laga Qaadan Karo Cashar Lama Illoobaan Ah Muxuu La Kulmay La Taliyihii?!!

daajis.com:- La taliye ama Talo bixiye bangi ( waa qof u shaqeeya bangiga oo la taliya dadka wax soo saarka leh ) ayaa waxa uu joogay deked yar oo ku taalay tuulo yar, isla xilligaana waxaa dekedaasi ku soo xidhanaysay ( xiranaysay) doonni yar oo uu saarnaa hal nin oo kalluumayste ahaa ( Malaay dabte ahaa) , waxaana doonnta gudaheeda u saarnaa dhowr xabo oo kalluunka ( malaayga) noociisa toonada ah .

La taliyihii waxa uu amaanay ninkii kalluumaysatada ahaa tayada kalluunka uu soo qabtay , waxa uuna waydiiyay inta ay ku qaadatay in uu ku soo qabto kalluunka uu sitay.

Ninkii kalluumaysatada ahaa waxa uu ugu jawaabay :
” Waqti yar oo kaliya ”

Intaa kadib La taliyihii waxa uu waydiiyay :
” Maxaad u sii joogi wayday waqti badan si’ aad u soo qabato kalluun intaan ka badan ?

Ninkii kalluumaysatada ahaa waxa uu yiri
” Intaan aan sito ayaa ku filan in ay iga caawiso baahida qoyskayga ”

La taliyihii waxa uu mar kale waydiiyay
” Hadaba wakhtiga intiisa kale maxaad ku qabanaysaa ”

Ninkii kalluumaysatada ahaa waxa uu yiri :

” Waqti dambe ayaan iska seexdaa, inyarna waan soo kalluumaystaa , Carruurtaydana waan la cayaaraa, Waxaan nasiino ( nasasho) gaaban la qaataa xaaskayga, Waxaan ku soo tamashleeyaa ( lugeeyaa, mijobaxsadaa ) tuuladayda habeen waliba , waxaan wakhqti la qaataa qoyskeeyga noolashaydana waaba mid mashquul ah ”

Intaa kadib La taliyihii waxa uu ku qoslay ninkii kalluumaysatada ahaa waliba qosol yasid ah ( quudhsi ah) waxa uuna ku yiri

” Anigu waxaan ahay aqoon yahay ku taqasusay maamulka ganacsiga, adigana waan ku caawin karaa . Waxaa habboon in aad wakhti badan galisid kalluumaysiga si’ uu dakhli kuu soo galo kadibna waa in aad iibsataa doon wayn , kadibna dakhliga ( faa’ iidada ) kaa soo gala doonta wayn waxaad ku iibsanaysaa dhowr doomood intaa kadib waxaad si’ tartiib tartiib ah ku helaysaa mid kamid ah maraakiibta kalluumaysiga intaa kadib wixi aad soo qabato halki aad ka iibin lahayd qof dillaal ah ( waa qof badeecadaha u kala iibiya shirkadaha wax soo saara iyo macmiisha) waxaa kuu suurtagalaysa in aad si’toos ah u iibiso , kadibna si tartiib tartiib ah ayaad waxaad ku furanaysaa shirkad soo saarta kalluunka qasacadeeysan ( Kalluunka Daasada , koombada ku jira ). kadibna waxaad maamulaysaa wax soo saarkaaga waaxaadna nidaaminaysaa si’daad u qaybin lahayd ( u baahin lahayd ) badeecadaada . Waxaad u baahanaysaa in aad ka tagto tuuladaan yar ee aad ka kalluumaysato waxaad tegaysaa magaalo wayn oo shirkadaada ay si joogta ah u kobcayso ( u fidayso).

Ninikii kalluumaysatada ahaa waxa uu waydiiyaya
” Laakin , waxaan oo dhan ilaa iyo intee ayay qaadanaysaa ?

La taliyihii waxa uu ku jawaabay ” 15 ilaa iyo 20 sano ”

” Intaa kadib maxaa dhacaya ? ” Waxaa sidaa yiri ninkii kalluumaysatda ahaa .

La taliyihii waxa uu mar labaad ku qoslay ninkii kalluumaysatada ahaa waxa uuna ku yiri :

” Qaybtan waa qaybta ugu wanaagsan , waxaad u soo bandhigaysaa suuqa maalgashiga in ay dadweynaha saami ( qayb ) ku yeeshaan shikradaada , waxaadna noqonaysaa maalqabayn wayn ( taajir wayn ) waxaadna samayn lahayd oo ku soo gali’ lahayd lacag malaayiin ah ”

Ninkii kalluumaysatada ahaa waxa uu yiri :

” Hadaba lacagta malaayiinta ah kadib maxaa xigaya ? ”

La taliyihii waxa uu yiri :

” Intaa kadib waxa aad noqonaysaa qof waayeel ah waxaadna ka fadhiisanaysaa shaqadii , waxaadna u guuraysaa tuuladii yarayd ee aad ka kuluumaysan jirtay , waxaad iska seexanaysaa wakhti dambe , waxaad soo kalluumaysanaysaa inyar , waxaad la cayaaraysaa caruurtaada , waxaad nasiino la qaadanaysaa xaaskaaga, Habeen waliba waxaad ku soo mijobaxsanaysaa ( lugaynaysaa ) tuuladaadi yarayd, waxaadna wakhti fiican la qaadanaysaa qoyskaaga ”

Dhamaad .

Muhiimada Qisada .

Ugu horrayntii hadii aan seddexda qodob ku soo koobo faa”idada qisadaan waxa ay noqonaysaa sidan

1- Waxaad ogaanaysaa hadii qofku uu haysto wax uu cuno iyo wax uu xerto iyo meel uu hoy ka dhigto ( guri uu seexdo) amaba uu leeyaahy qoys uuna u heli karo waxa ay quutaan ( cunaan) waxaa habboon inuusan wakhtigiisa ku lumin wax badsi waayo dadka kuwa ugu mashquulka badan ayaa hadana ah dadka kuwa ugu farxada yar .

2- Waxa ay sheekadaan aad u dhiirigelinaysaa qofku inuu noqdo qof reer leh oo uu guursado, run ahaantii hadii qofka uu awoodo inuu guursado waxaa habboon inuu guursado waayo hadii aad guursato oo Allah (سبحانه و تعالى) ku siiyo awlaad wanaagsan waxaad ogaataa awlaadaas ayaa wax waliba kuu noqon karta waxaadna helaysaa farxad iyo daganaasho teeda kale guurka waa sunno kamid ah sunnooyinka waxaadna adeecaysaa hadalkii rasuulka صلى الله عليه وسلم ee ah inuu qofku guursado hadii uu awoodo .

3- Waa in aan cashar ka qaadanaa su’aalihii ninkii kalluumaysatada ahaa waayo waxaa dhici karta in aad la kulanto dad buufis kugu rida oo damac aan jirin kugu abuura hadiise aad isku daydo in aad si caqli ah u waydiiso natiijada u dambaysa waxaad ogaanaysaa in ay kugu soo celinayaa halki aad shalay joogtay.

waayo wakhtigi aad qoyskaaga la qaadan lahayd amaba aad reer ku dhisan lahayd ayay rabaan in ay kaa mashquuliyaan kadibna marki aad qof da’ ah noqotid waxaad u baahandoontaa qof ku caawiya ee hadaba yaysan kaa lumin ( dhuminin ) fursadaada dahabiga ah ee aad haysato kuna qanci naftaada inta ay gacanta ku haysato .

Yaana buufis lagugu ridin oo lagaa fogayn farxada aad ku dhex haysato qoyskaaga waxaa xaqiiq ah qiimaha iyo farxada ay leedahay in aad wakhti la qaadato qoyskaaga waxaa la ogaan kara marki aad ka soo fogaato qoyskaaga amaba ay kaa fogaadaan.

4- Midna ogoow 25 sano oo aad xammaal ku jirtid waxaa ka farxad badan hal bil oo aad guur ku jirto. Hadii aadan taa ogayn bal guurso kadibna waan is waraysan doonaa insha allah

Ugu dambayntii Allah ( سُبْحَانَهُ وَ تَعَالَى ) waxaan waydiisanaynaa inuu naga dhigo kuwa wakhtigooda ilaashada kuna qanca waxa gacantooda ku jira, intii guurdoon ahna inuu alle u sahlo lamaane ay ku daggaan oo xagga janada u jiida. Aamiin

Fadlan u usii gudbi asaxaabtaada si au uga faa’iidaystaan ( Share ) . Jazakum Allahu Khairan .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada