Xildhibaano maanta isugu gacan qaadey xarunta BF Soomaaliya (Sababta oo yaab leh)

Xildhibaano maanta isugu gacan qaadey xarunta BF Soomaaliya (Sababta oo yaab leh)

daajis.com:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow & Xildhibaan Cabdi barre Jabriil oo ka tirsan BF Soomaaliya ayaa gacmaha isula tegay maanta, xilli ay socotay dood ay Xildhibaanadu aaraa’dooda ka dhiibanayeen  oo ku saabsan  xeerka isgaarsiinta & miisaaniyada.

Labada Xildhibaan ayaa  isku maan dhaafay arrimo siyaasadeed oo  ku saabsan sharciyada doorashada Madaxweynaha Jubba oo ay doorteen baarlamaan la kala diray, iyada oo Xildhibaan Daahir Jeesow doodiisu aheyd:  Go’aan dambe oo baarlamaanka Soomaaliya laga dhageysan doono ma leh haddii baarlamaan goboleedka Jubba isaga oo kheyru sharci ah inta uu wax doorto, baarlamaankuna uusan tillaabo ka qaadinarrintaasoo dood iyo muran dheer kadib sababtey in ay si shaqsi ah isku aflagaadeeyaan, kadibna gacanta isku qaadaan, walow durbadiiba la kala qabtey.

Xildhibaan Cabdi barre ayaa ka mid ah xubnaha sida weyn ugu ololeynayey doorashada Madaxweynaha Jubba, isaga oo ka mid ahaa xubnihii Kismaayo u tegay in ay goob joog ka noqdaan doorashada, haatanna waxa uu ka mid yahay Xildhibaanada u ololeynaya mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada