daajis.com:- Warar dheeraad ah oo ay Xiiso Online heshay ayaa ka soo baxaya kulan dhowaan ay Garowe ku yeesheen madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas & safiirkii hore Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo socdaal loogu magac daray “Nabadda” ku maraya qaar ka mid ah Gobolada dalka.
Maxamed Cali, oo muddo 10 sanno ku dhow hayey xilka safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa ogolaaday inuu xilka safaarada Kenya wareejiyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ay isku afgarteen in loo magacaabi doono xilka Guddoomiyaha & duqa Gobolka Banaadir, hasse ahaatee balanqaadkaasi wuxuu meelmar noqon waayey markii Guddoomiyaha xilka haya isaga oo isticmaalaya odayaasha ugu magaca weyn beesha Mudulood uu ku guuleystay in Xassan Sheekh ay culeys ku saaraan in Muungaab xilkiisa loo daayo, Xiiso Online ayaa ogaatey.
Safiirkii hore ee Kenya, oo isu arkay in balantii looga baxay ayaa billaabay inuu ka soo jeesto dhinaca kooxaha mucaaradka ku ah Madaxweynaha.
Mid ka mid ah xubnaha ku dhowdhow safiirka, ayaa saxaafada u soo dusiyey in Cabdiweli Gaas & Ameeriko kulankii ay Garowe ku yeesheen in ay qalinka ku wada duugeen heshiis awood qeybsi ah marka la gaaro 2016; Waxaanna heshiiskaasi qoddobadiisa ka mid ah: In Maxamed Cali ku gacan siiyo C/weli Gaas xilka madaxweynenimada, haddii uu xilkaasi ku guuleystana inuu R/wasaare isaga u magacaabi doono, Xiiso Online ayaa heshay.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa amar ku bixiyey in laga hor istaago Maxamed Cali inuu gudaha u soo galo Magaalada B/weyne, iyada oo la leeyahay Guddoomiyaha qudhiisa waxaa uu amarka ka helay dhanka Madaxtooyada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at