daajis.com:- Mid ka mid ah Xujeyda gudaneysa Waajibka Xaramka ayaa la kulmay dhacdo xanuun iyo lama filaan ku noqotay markii loo sheegay in Calooshiisa Maqa looga dhex tagay.
Ninkaan oo u dhashay dalka Nigeri ayaa si aad ah kaga shakiyay kooxaha Wax baara ee ku sugan amaanka Garoonka ka dib markii qalabka Digniinaha bixiya ee Garoonka yaala uu shanqaray xilligii ninkaas baaritaanka la marsiinayay.
Maamulaha Xarunta kormeerka caafimaadka ee Garoonka Boqor Cabdal-Caziiz ee magaalada Jiddah Cabdul-Qani Al-Maaliki ayaa sheegay inay farriin soo gaarsiiyeen Hey’adaha qaabilsan ammaanka Garoonka.
Ciidamada ammaanka ayaa markii hore ninkani uga shakiyay inuu qarsanayo walxo biro ama macdan ka sameysan, hase yeeshee markii laga waayay ayaa waxaa loo yeeray kooxaha caafimaadka qaabilsan, si ay arrintani ula tacaalaan.
Baaritaanno loo adeegsaday raajooyinka wax lagu sawirro kadib; waxaa la ogaaday in ninka Xaajiga ah ee u dhashay dalka Niger uu Calooshiisu Maqas ku dhex jiro, iyadoo wareysi lala yeeshay uu ku sheegay in 15 sano ka hor qalliin lagu sameeyay, xilligaasna Maqaska lagu dhex hilmaamay, isagoo beeniyay inuu arrintani ogaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:20 and have
, Published at