Ciidamo Daacad u ah Shirkado Turki leeyihiin oo maanta ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

Ciidamo Daacad u ah Shirkado Turki leeyihiin oo maanta ku dagaalamay Magaalada Muqdisho

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta ciidamo ay kala wateen Shirkado dhismo ay Turki leeyihiin uu iska hor imaad ku dhax maray xaafad katirsan Degmada Wadajir

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in labada ciidan ay is rasaaseyn dhax martay kadib markii ay isku dhaceen rag Madax ka ah Shirkado Turki leeyihiin kuwaa oo la sheegay in ay isku Khilaafeen Mashruuc dhismo.

Lama oga ilaa wali qasaaraha kala gaaray dhinacyada is rasaaseynta maanta dhax marya iyo waliba dadka shacabka ah ee ka agdhawaa halka uu ka dhacay iska hor imaadka, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada Wadajir.

Magaalada Muqdisho xiliyada qaar waxaa ka dhaca iska hor imaadyo u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Shirkado, Siyaasiyiin iyo xubno kale aan Dowlada shaqo ku laheyn .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada