Dadkii ku dhaawacmay qaraxii todobaadkii hore oo loo qaaday Imaaraadka: Sawirro

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii todobaadkii hore oo loo qaaday Imaaraadka: Sawirro

daajis.com:- Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii toddobaadkii hore ka dhacay  afaafka hore ee  aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa loo qaaday maanta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta si halkaasi loogu soo daweeyo.

Dhaawacyadaan oo gaarayay 12 qof oo wax looga qaban waayay gudaha dalka, waxaana ugu deeqay daweyntaan dibada ah Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

dhaawac-imaaraad-1Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed iyo wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ku sii Sagootiyay dadkaas oo gaarayay 12 qof oo ka mid ahaa dadkii waxyeellada ka soo gaartay qaraxii Todobaad ka horka dhacay  Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka  Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xaawo Maxamed Xasan ayaa  sheegtay in dadka maanta Imaaraadka looqaada ay a haayeen kuwii ugu darnaa ee ku dhaawacmay  qarixii kooxda shabaab ay ka gaysteen Meel u Dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

dhaawac-imaaraad-2Taliyaha Ciidanka Boliiska Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa aad ugu mahadceliyay Dowladda Imaaraadka carabta  sida ay uga qayb qaadanayaan Dawaynta dadkaan iyo kaalintooda Muuqata.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed  ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Ammanka si looga hortago Falalka kooxda shabaab ay ka gaysanayaan Magaalada Casimadda ah ee Muqdisho

21 Bishaan ayay hayad markii  kooxda Arxan laawayaasha ah ee Shabaab  ay weerar Argagixisonimo ku qaadeen goob Aanan sidaa uga fogayn agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada