daajis.com:- Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku guda jira diyaar garow ballaaran oo ku aadan marti gelinta shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo dhowaan lagu wado inuu bilowdo.
Xarun loogu tala galay in lagu qabto shirka maamul u sameynta iyo guryo la dejinayo martida iyo wafuuda ayaa lagu diyaariyay magaalada, iyadoo diyaar garowgan uu yahay mid si xowli ah u socda.
Hoolkan Shirarka loogu tala galay ayaa markiiba waxaa uu qaadaa ku dhowaad labo kun oo ruux, waana howl aad u ballaaran oo wali diyaarintiisu socoto, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la qalabeeyo.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa sheegay in shacabka Jowhar ay u diyaar garoobeen soo dhoweynta martida imaaneysa magaalada, isagoo xusay in magaalada ay horay caan ugu aheyd marti-soorka wafuuda, isla markaana sanadkii 2005-tii marti gelisay dowladdii KMG aheyd.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa isu diyaarinayo wax walba oo la xiriira howlaha maamul u sameynta, waxaana uu tilmaamay in amniga magaalada Jowhar uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana uu jiro wada shaqeyn ka dhaxeysa shacabka iyo Ciidamada ammaanka.
Inkastoo aan wali la cayiman halka lagu qabanayo shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, hadana magaalooyinka Beledweyn iyo Jowhar ayaa ah kuwo diyara garow ugu jira marti gelinta shirka.
Diyaar garowga uu ugu jiro Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe marti gelinta shirka maamul u sameynta labada Gobol ayaa aad looga dareemay magaalada, waxaana ka socda magaalada olole nadaafadeed.
Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa hadal hayay dar darta cusub ee uu wado Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo diyaar garowga ballaaran ee uu ugu jiro marti gelinta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at