Ciidamo ka tirsan maamulka P/land oo gadood sameeyay

Ciidamo ka tirsan maamulka P/land oo gadood sameeyay

daajis.com:- Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo gadoodsan ayaa maanta gabi ahaanba joojiyay isku socodka Gaadiidka iyo dad weynaha ee magaalada Boosaaso.

Ciidamadan oo sida la sheegay ka cabanaya Mushaar la’aan iyo xuquuqdooda oo aysan helin mudo Bilooyin ah, ayaa xayiray isku socodka magaalada mudo saacado ah.

Ciidamadan ayaa hor istaagay dhamaan gaadiidkii ka baxayay magaalada iyo kuwa soo galaya.

Mid kamid ah ilaalada duqa magaalada Boosaaso ayaa dhaawacmay, kadib markii masuuliyiin ka tirsan degmada Boosaaso iyo Odoyaal isku dayay ineey ciidamadaas qanciyaan ay rabshad isku badashay.

Ciidamada Gadoodsan ayaa galabta waqti dambe lagu guuleystay in laga kaxeeyo goobta, kadib markii la xaliyay mushaar la’aanta ay ka cabanayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada