daajis.com:- Booliska Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay baaritaan joogta ah ka sameeyaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay heleen 56 gaari ee kuwa Booliska ee qafilan.
Gawaaridan ayaa waxay dalka soo gaareen maalmo ka hor, waxaana Dowladda Federaalka gawaaridan ugu deeqay Dalka Japan oo usoo marsiiyay dhanka Hay’adda qaramada Midoobay.
Wasiirka arimaha Gudaha ayaa sheegay in lagamamaarmaan ay tahay in kor loo qaado tayada booliska dalka, si loo helo buu yiri amni la’isku halayn karo, taasina waxaa kamid ah in Tababar la siiyo ciidamada, iyo in la diiwaan galiyo askar cusub oo ka qayb qaata sugidda Amniga Dalka.
![]() |
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at