daajis.com:- Maamulka Jubbaland ayaa bilaabay howlgal ku cusub oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Haween la sheegay in ay u dhaxaan, iyadoo laga masaafurinayo xaasaskaasi magaalada Kismaayo.
Ciidamada nabadsugida Kismaayo ayaa magaalada ka qabqabtay haween gaaraya 60, kuwaasoo u dhaxa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo haween kale oo xeran indha-shareerka.
Afhayeenka ciidamada Nabadsugidda Kismaayo Axmed Carab ugaarsiga iyo masaafurinta haweenkaan go’aan lagu gaaray in laga masaafuriyo magaalada, isagoo intaa ku daray in ukumada Alshabaab laga saarayo Kismaayo wuxuuna ugu hanjabay in dumarka ku sugan Kismaayo ay is diiwaan geliyaan si loogu masaafuriyo dhinaca ragoodii joogaan.
Haweenkaan ayaa lagu daad gureeyay gaadiid, iyadoo la dhigay aagaga dagaalka Buulo-gaduud, iyadoo arrintan si weyn looga hadal haayo magaalada Kismaayo oo dad badan ay la yaab ku noqotay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:40 and have
, Published at