daajis.com:- Khasaaraha ka dhashay qaraxii maqribnimadii Isniinta (21-09-2015) ka dhacay inta u dhaxeysa iridka xarunta Madaxtooyada iyo hotel SYL ayaa sii kordhaya, iyadoo tirada dhimashada sii kordhay, waxaana la sheegay in dhimashada ay gaareyso 13 qof iyo dhaawaca 23 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Dadka dhintay, ayaa waxaa la sheegay in ay ku jiraan ilaalada Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo kuwo ku dhaawacmay, sidoo kale laba ka mid ah waxa la xaqiijiyay inay ahaayen rayid, halka inta kalena ay askar ahaayeen.
qafrax-caaw-xilla-1Saraakiil ka tirsan cisbitaalka Madiina, ayaa sheegay in loo keenay dhaawac ahaan isbitaalka illaa iyo 23 ruux, oo labo ka mid ahna ay goobta ku dhinteen. Dhaawacyada, ayaa qaarkood darran, sida ay saraakiishu sheegayaan.
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in labo nin oo u dhashay dalka Turkiga ay ku dhaawacmeen qaraxaasi sida uu baahiyay telefishinka Al-jazeera, kuwaasi oo wadada marayay.
qafrax-caaw-xilla-7Qaraxa oo xooggana darti, ayay dad salaaddii Maqrib ku dukanayay masjid u dhow madaxtooyada ay ku dhaawacmeen.
Weerarka, ayaa dhacay xilli ay wafuuddii shirka qaarkood ay madaxtooyada ka soo baxayeen, halka kuwa kalena ay halkaasi galayeen.
Gaari uu lahaa wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa waxyeello ka soo gaartay weerarka, waxana la sheegaya in qaar kamid ah ilaaladiisa oo Soomaali ahaa ay dhinteen, kuwana dhaawacmeen.
qafrax-caaw-xilla-8Afhayeenka dhinaca howlgalada Al-Shabaab, Abuu Muscab ayaa sheegay in xoogag taabacsan ay howlgal ka fuliyeen iridka Madaxtooyada isla markaana ay ku dileen saraakiil ka tirsan Dowladda.
Hay’adaha amniga ee Dowladda Somaliya, ayaan ka hadlin qaraxa ay masuuliyadiisu sheegatay Al Shabaab, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federalka Somaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:43 and have
, Published at