Daawo:-Maxkamadda Ciidamada oo Xabsi Daa’in ku Xukuntay Rag iyo Haween ka tirsanaa Ururka Al Shabaab

Daawo:-Maxkamadda Ciidamada oo Xabsi Daa’in ku Xukuntay Rag iyo Haween ka tirsanaa Ururka Al Shabaab

daajis.com:- Waxaa maanta Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xukun ku riday eedeeysanayaal lagu soo eedeeyay inay katirsanaayeen Ururka Al Shabaab, dadkan la soo qabtay ayaa waxaa ku jirtay qof dumar ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxay Xuseen C/qaadir Salaad,  C/risaaq Xuseen Cismaan iyo  Fartuun Isaaq Cabdi ku soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ka dib markii lagu soo qabtay miinooyin iyo caagado ay ku jiraan baaruudda qaraxyada laga sameeyo.



dhalinyaradan ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir, kadib markii Ciidanka Booliska ay gudaha u galeen guri jiingad ah oo dadkaasi ay ku sugnaayen. Dowladda ayaa la wareegtay gurigii laga helay agabyada qaraxyada laga sameeyo.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida  Xasan Cali Shuute ayaa ku dhawaaqay xukun xabsi daa’in ah oo Maxkamaddu ay ku riday saddexdaasi ruux.


Gudoomiyaha oo Warbaahinta la hadlayn xukunka kadib ayaa sheegay in eedeeysaniyaashani lagu helay inay kamid ahaayeen kooxaha qaabilsan samaynta miinooyinka lagu gumaado umadda Soomaaliyeed.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada