DAAWO:- Mayadadka Ciidamadii lagu Laayay Dagaalkii Janaale oo laga Dejiyay Dalka Ugandha

DAAWO:- Mayadadka Ciidamadii lagu Laayay Dagaalkii Janaale oo laga Dejiyay Dalka Ugandha

daajis.com:- Tiradii u Horeysay oo ka mid ah maydadka Ciidamadii dagaalka Qaraaraa ku galay Degaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Dalka Ugandha.

Diyaarad gaar ah oo ay lee dahay Qaramada Midoobey ayaa meydadkan ka qaaday Garoonka Magaalada Muqdisho, waxa ayna gelinkii dambe ka dejisay Garoonka Magaalada Kampala.

Meydadkan waxay ka mid yihiin 12 askari oo Militariga Uganda ay sheegeen in looga dilay weerarkii abaabulnaa ee kowdii bishan Sebtember Ururka Al Shabaab kula wareegeen Xarunta Ciidamada Amisom ku lee yihiin Degmada Janaale Ee Gobolka Shabelelaha Hoose.


Askartan ayaa la filayaa in lagu aaso deegaanada ay ka soo kala jeedaan, iyadoo Taliska Militariga Uganda uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid askartooda.

Captain Paddy Ankunda, ayaa wuxuu maanta sheegay in Ciidamada Uganda ee dalka Soomaaliya ku sugan ay qaadi doonaan jawaab ka dhan ah weerarkaasi.

Wuxuuna yiri “Weerarkan wuxuu wax ka bedeli doonnaa ciyaarta, waxaan lee nahay Al Shabaab ha fishaan jawaab ay Ciidamada ka bixiyan weerarkaasi.”








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada