daajis.com:- Wafdi iskugu jira Xildhibaano siyaasiin Gudoomiyal hor Xilal ugu soo qabtay Gobolka Hiiraan ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweyay Magaalada Baladweyne.
Xubanaha wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ugaas khaalif ku soo dhaweyay Maamulka Gobolka Hiiraan kan degmada Baladweyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
Wafdiga ayaa Xaruunta Maamulka Gobolka kulan ku la qatay Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifatax Xasan Afrax Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed ibraahim Cabdulaahi Xoghayaha Guud ee Gobolka Salad Xasan Cabdi Gudoomiyaha degmada Baladweye Maxamed Cismaan cabdi qalafow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xildhibaanad Amiin Maxamed Cabdi oo ka mid aheyd wafdiga maanta garay Baladweyne ayaa sheegtay in u jeedka ay u yimideen ay tahay sidi bulshada ay wadda tashi ula sameyn lahayeen maadaam lagu wado in dhawan la guda Galo dhismaha dowlad Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifatax Xasan Afrax ayaa Xubnaha wafdiga u sheegay in Guud ahaan Gobolka Hiiraan u ka socdo Howlgal ka dhan ah Al shabaab islamarkanaa imashadood uu dhiiri galin u yahay.
Sido kale Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan ay diray u yihiin marti galinta shirka dhismaha Maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe islaamrkana shirka ay marti galin doonto Magaalada Baladweyne.
Malmihii ugu dambeyay ayaa Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan soo garay wafuud kala duwan oo iskugu jira Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Somaaliya Siyaasiin waxgarad iyago kulamo la qadanaya Maamulka Gobolka Hiiraan iyo odayasha dhaqanka Gobolka. Islamarkana kala hadlay qaabka ugu haboon ee loo wajihi karo dhismaha Maamulka Hiiran iyo shabeellaha dhexe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at