daajis.com:- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa si rasmi ah wuxuu warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Dowladda Soomaaliya u fadhin doona Washington Axmed Ciise Cawad.
Munaasabad ka dhacday Aqalka Cad ayaa Madaxweyne Obama uu kaga guddoomay aqoonsiga Safiirnimo, iyagoo ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo taageerada Mareykanka uu la garab yahay Dowladda Federaalka Somalia oo dhinacyo badan uu ka taageero. obama-safiirka-somaliaAxmed Ciise wuxuu baddalay safiirkii hore ee Maraykanka, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo noqday ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya bishii December ee sannadkii hore.
Safiirka cusub ee Soomaaliya Axmed Ciise ayaa Idaacadda VOA u sheegay in Obama ay kawada hadleen arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inuu si weyn u daneynayo arrimaha Soomaaliya.
Safiirka ayaa sheegay in dhawaan albaabada loo furi doono safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Washington.
Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka, Axmed Ciise ayaa horay ula soo shaqeeyay Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo ururo kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 13:58 and have
, Published at