daajis.com:- Haweeneey ku nool magaalada Baladweyne ayaa lagu soo waramayaa ineey xalay ninkeeda dishay, kadib khilaaf soo kala dhex galay labadooda.
Dadka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay in haweeneydan ay dilka ninkeeda u adeegsatay Tooreey, iyadoona kaga dhufatay qeybta sare ee jirkiisa.
Falkan argagaxa leh ayaa ka dhacay xaafada Kooshin.
Marxuumka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Aadan.
Ciidamada amaanka ee Baladweyne ayaa la sheegay ineey goobta dilka ka dhacay soo gaareen gacantana ku dhigeen haweeneyda dilka geeysatay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:30 and have
, Published at