Muwaadin Somali Maraykan ah oo qirtay in uu doonayay in uu ku biiro ururka Daacish

Muwaadin Somali Maraykan ah oo qirtay in uu doonayay in uu ku biiro ururka Daacish

daajis.com:-  Muwaadin Soomaali Maraykan ah Sakariye Yuusuf C/raxmaan ahna 20 sanno jir ah ayaa ka hor qirtay maxkamad la soo taagay inuu doonayay inuu u safro dalka Suuriya si uu ugu biro kooxda Daacish ee wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

Sakariye ayaa ka hor cadeeyay maxkamada in uu doonayay in uu kaalmeeyo walaalaha Musliminta ah ee dhibaatada ay ku haysay dowlada Siiriya kadib markii uu arkay codsiyo ay dadka Muslimiinta ah u soo jeedinayeen.

Fikirka ah inuu Daacish ku biiro waxaa uu sheegay inuu ku dhashay sanadkii hore ee 2014 markaas uu daawaday muuqalo lagu tarjumay Af-Ingiriis oo baraha bulshada lasoo dhigay kuwaasoo ay ka muuqanayeen dhibaato uu dadka Muslimka ah u geysanayo M/weynaha Syria Bishar Al-Asad.

Sakariye Yuusuf oo ah qofkii saddexaad oo asalkiisu yahay Soomali oo ka hor qirta maxkamad ayaa dambiga uu galay waxa uu ku muteysan karaa 15 sano oo xarig ah inkastoo aan weli maxkamadu sheegin xilliga go’aanka maxkamada lagu dhowaaqayo.

Zakariye oo hore u soo noqday arday wax kabarta kulliyada cilmiga Kombiyuutarka ee Minneapolis ayaa markii uu soo galayay maxkamada waxa uu ku arkay waalidkii oo ay ilmo indhahoodu ka muuqato.

Hanad Musse oo isaguna ka mid ah dhalinyarada ku nool Minneapolis ayaa toddobaadkii hore qirtey inuu doonayay in uu ku biiro ururka Daacish hase yeeshee Zakariye ayaan ka leexleexin inuu si toos ah u magac dhabo dadkii kale ee ku biirida Daacish ay ka wada hadleen kuwaasoo qaar kamid ah weli ku jira xabsiyada dalka Maraykanka sugayana in maxkamad la soo taago. Sidoo kale dhalinyaradan ayaa waxaa ku jira qaar u gudbay dalka Siiriya lana la’ yahay iyadoo la rumeysan yahay in qaar ka mid ah dhalintaas ay ku dhinteen dalka Siiriya.

Zakariye ayaa sheegay in fikirka ku biirista kooxdan Daacish ay ka horeysay markii uu wiil kale oo lagu magacaabo Cabdraxmaan Bashiir kaasoo si hoose ugu shaqeynayay laanta dambi baarista ee FBI, waxana ay FBIdu siisay lacag gaareysa $41.000 Bashiir si uu ugu soo jaajuuso. Qaar ka mid ah waalidiinta carruurtoodu ay xiran yihiin ayaa ku dooday in Bashiir uu ka dambeeyay fikirka ah in lagu biiro Daacish.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada