Daawo Sawirada ”Aabe Siiriyaan ah oo dhibaato u geesatay Gabar Sawir qaade aheed oo Nolol ka bilaabaya Spain

Daawo Sawirada ”Aabe Siiriyaan ah oo dhibaato u geesatay Gabar Sawir qaade aheed oo Nolol ka bilaabaya Spain

daajis.com:-  Osama Abdul Mohsen, oo ah aabe u dhashay Dalka Siiriya ayaa mar qura indha caalamka qabteen kadib markii isaga iyo wiil yar uu dhalay ay jalaafo u dhigtay haweeney Sawir qaade ah oo u dhalatay Dalka Hungary xili ay ka carareen ciidamada amaanka Hungary.

Warbaahinta Caalamka iyo baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaal iyo sawiro laga soo qaaday dhacdada foosha xun ay gabadha Sawir qaadaha aheed kula kacday aabahan Siiriyaanka ah oo xiligaasi dusha kula cararay wiil yar uu dhalay.

Dadyowgii daawaday Muuqaalkaasi ayaa si kulul u canbaareeyay gabadha Sawir qaadaha aheed oo katirsaneed Telefishin laga leeyahay Dalka Hungary, waxaana ay keentay in aabahan taageero badan loo fidiyay.

Osama Abdul Mohsen, ayaa ahaa tababare dhinaca ciyaaraha Dalka Siiriya, hasa ahaatee waxa uu kamid noqday kumanaanka kun ee dalkooda uga cararay colaada ka aloosan, waxa uuna safar dheer oo halis ah u galay sidii uu yurub tagi lahaa.

Aabaha Siiriyaanka ah iyo wiilkiisa ayaa gaaray Dalka Spain halkaas oo martiqaad looga fidiyay si uu nolol cusub uga bilaabo, waxa uuna dalkaasi ka bilaabi doonaa howshiisa tababarnimo ee uu ku dhisayo koox qaxooti ah oo kasoo jeeda dalkaasi Siiriya oo soo gaaray dalka Spain.

Real Madrid ayaa xarun tababar ugu deeqday kooxdaan qaxootiga ah wxuuna macalin Osama Abdul Mohsen oo ka soo duulay magaalada Munich ee dalka germany, joogsi yarna ku soo sameeyay magaalada Paris ka hor inta uusan ka soo dagin Barcelona oo uu ka soo qaadanayay tareenka dheeray e gudaha Spain ayaa sidoo kale hakad ku sameeyay magaalada Gatafe.


Osama ayaa saxaafada kula hadlay magalaada Madrid wuxuuna yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaa halkaan soo gaaray, haatan waxaan ka fakarayaa labo howl tan koowaad waa inaan dib ula midoobo qoyskeyga (wuxuu ka soo tagay xaaskayga iyo labo caruur ah), iyo sidoo kale waxaan sugi la’ahay inaan bilaabo shaqadeyda tababrenimo”.

“riyo ayeey ii tahay inaan halkaan joogo, waad mahadsan tihiin Madrid, mahadsanidiin reer Spain, nolol cusub Ayaan bilaabayaa, xaga nolosha iyo xagag tababarkaba”. Ayuu yiri Mr Osama Abdul Mohsen.

Aabahan u dhashay Dalka Siiriya ayaa hada ka bilaabaya nolol Cusub dalka Spain, waxa uuna rajo wanaagsan ka qabaa in uu shaqadiisa tabbarnimo ku laabto si uu usoo saaro ciyaartoy tayo leh uga soo dhax saaro Qaxootiga Siiriyaanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada