Daawo: Maamulka Puntland oo Hub iyo saanad keenay Jiida Qoriley

Daawo: Maamulka Puntland oo Hub iyo saanad keenay Jiida Qoriley

daajis.com:- Wararka ka imaanaya deegaanka Qoriley oo ay ku soo duleen maleeshiyaad ka tirsan kuwa ciidamada PL oo qaab qabiil u abaabulan ayaa sheegaya in halkaas saacadihii u danbeeyey gaadheyeen saanad iyo tikniko fara badan oo uu Garoowe iyo Gaalkacyo ka soo daabulay maamulka PL, wasiirka amniga ee maamulkaas Garoowe oo ka asagu ka soojeeda deegaanka Garoowe ayaa si rasmi ah ugu dhaawqay inay ka PL ahaan dagaalka galayaan.


Maamulka PL ayaan horey colaadan 12jirka ah uga hadli jirin, markii maleeshiyaadkoodu layn jireen xoolo dhaqatada deegaanka oo ay hubka maamulku u adeegsan jireen ayagoo diley tobnaan da yar ah , balse hada arintan ayaa xataa loo quudhi waayey ninka warfaafinta u qaabilsan ee asagu ka soojeeda beesha Maxamed Garaad hoosgalkana u ah ayaga ee Soodcade, sidoo kale arintan ficilka ah ee ninkan Maxamuud Saleebaan qaaday ayeysan weli ka diirin madaxda kale sida C/Xakiim Camey oo xataa weli aan ka hadlin hubka iyo rasaasta maamulka ee beeshiisa loo adeegsanayo.

Dad ku sugan jiida hore ee deegaanka Qoriley ee G/Sool oo ah deeganada beesha Maxmed Garaad ee dagaaladu ka dhacaan goorkasta ayaa waxa ay sheegeen in halkaas ay gaadhayaan saacad walba ciidamada PL iyo saanad military oo laga soo daabulayo bakhaarada Garoowe iyo Gaalkacyo, dagaalkan ayaa hada u eg mid weji kale yeeshay, ayadoo beelaha majeerteen ay doonayaan inay si buuxda u wada galaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada