Meydka Wasiirkii arimaha Gudaha oo laga dajiyay Kampala (Sawirro)

Meydka Wasiirkii arimaha Gudaha oo laga dajiyay Kampala (Sawirro)

daajis.com:- Waxaa Magaalada Kampala la gaarsiiyay Maydka Wasiirkii Arrimaha Gudaha dalka Uganda, Jen. Aronda Nyakairima oo uu wadnaha istaagay xili uu duulimaad ku maraayay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Xiliga uu geeriyoonaayay Wasiirka ayaa waxa uu kasoo baqoolay Magaalada Seoul ee Xarunta dalka Koonfurta Kuuriya waxa uuna ku geeriyooday sida la sheegay diyaarada dhexdeeda xili uu usoo jeeday Magaalada Dubai.

Meydka Wasiirka ayaa waxaa keentay Diyaarad waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo halkaasi ugu sameeyay daqiiqado aamusnaan ah.

Taliyihii ku Xieenkii hore ee Millateriga dalka Uganda, Jen. Ivan Koreta ayaa markii la soo dajiyay naxashka Maydka sheegay in Jen. Aronda uu ahaa nin muhiim u ahaa xukuumadda Uganda, isla markaana uu ka mid ahaa Jeneraalladii ugu geesisanaa ee soo maray Uganda.

Wasiirkan ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Uganda, sannadkii 2013-kii, markaasoo laga soo Wareejiyay Ciidamada oo uu madax u ahaa, isagoo ahaa nin ay aad isugu dhow yihiin Madaxweyne Yoweri Museveni. laakiinse Illaa hadda lama sheegin sababta uu u dhintay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada