daajis.com:- Waxaa Magaalada Dubai ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta lagu soo gabo gabeeyay shir looga hadlayay maalgashiga Dalka Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeyb galay Wasiiro katirsan Dowlada Soomaaliya.
Shirkan lagu soo gabo gabeeyay Magaalada Dubai waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, waxaana hirkan intii uu socday diirada lagu saarayay fursadaha maalgashi ee dalka Imaaraadka Carabta uga banaan Dalka Soomaaliya.
Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Khalid Ghanim Al Ghaith oo ugu horeyn kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan uu sare u qaadayo fursadaha ku aadan in maalgeshi lagu sameeyo gudaha Soomaaliya.
Khalid Ghanim Al Ghaith, ayaa cadeeyay in shirka la isku raacay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhexeeya, isla markaana ay ganacsatada Imaaraadku maalgeshi ugu sameysan lahaayeen gudaha Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo isna ka hadlayay gaba gabadii shirka ayaa sheegay in kulanka uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay sii xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, waxa uuna ku amaanay Imaaraadka garabka ay siineyso Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Dowladaha Taageerada waa weyn u fidiya Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna Imaaraadka gudaha Soomaaliya ka fulisay mashaariic kala duwan sida dhismaha Isbitaalo iyo Xeryo lagu tababaro ciidanka Soomaaliyeed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:22 and have
, Published at