daajis.com:- Xili mudooyinkii ugu dambeyay magaalad Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ay ku soo qul qulayeen Xildhibaano Siyaasiinta ka qeyb galay shirka dib u heshiisiinta beellaha dega Gobolka Hiiraan ayaa manta Garoonka diyaradah ugaas khaalif waxaa si weyn loogu soo dhaweyay qurbo joog ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.
Munaasabada soo dhaweyn ah oo loo sameyay qurbo Joogta maanta soo garay Magaalada Baladweyne ayaa wax ka qeyb galay waxgarad odayal haween dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Qar ka mid ah odayashii k qeyb galay munaasabada ayaa wafdiga qurbo jooga faah faahin ka siiyay halka uu maray shirka dib u heshisiinta beellaha dega Gobolka Hiiraan iyago sheegay in shirka uu hakad uu ku yimid bishii Ramadaan islaamrkanaa dhawan la filayo in dib loo bilaabo.
Gudoomiyaha qurbo jooga Gobolka Hiiraan Tawane sabriye oo Hogaaminaya wafdiga qurbo joogta ayaa sheegay in loo bahan yahay in dadka reer Hiiraan ay ka tashadan Aayahood.
Booqashada xubnaha maanta soo garay Magaalada Baladweyne islamarkana ka socda qurbo joogta reer Hiiraan ee dalka dibadiisa ayaa imaaya Xili maagalada Baladweyne laga dareemayo diyaar garowga shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:00 and have







