daajis.com:- Wararka kasoo baxaaya magaalada Madrid ayna qorayaan saxaafada ayaa lagu sheegayaa in kooxda Manchester United ay heshiis 29 Milyan oo Bound oo lagu daray goolhayaha Madrid Navas ay ku doonayeen ineey kula soo wareegaan David de Gea maxaase dhacay oo fashiliyey?
Xaalka labadaan koox ayaa noqotay mid isku xumeyn ah inkastoo xiriir ganacsi oo dheer uu ka dhaxeeyo, waxaase dhacday arrin aad u xun oo labada kooxood ay dhinac waliba isku eedeynayaan.
De Gea mar hadii lagu heshiiyey beeciisa maxaa keenay in heshiiska la dhamaystiri waayo, Real Madrid hadal gaaban oo kasoo baxay ayay ku sheegeen in Manchester United ay warqadihii kala wareejinta ku daahiyeen oo waqtiga ay ku rideen iyadoo 12:00 xiligii saqda dhexe uu suuqa xirmaayey ay United iska indha tirtay dukumentigii looga baahnaa.
Tani waxa ay saxaafada ku sheegeen in ay United ugu talo gashay oo ay kaga aarsanaysay hadalkii Sergio Ramos (not going to Old Trafford). Sergio Ramos kuma biirayo Old Trafford.
Maamulka Real Madrid ayaa dhowr daqiiqo ka codsatay maamulka La Liga ee Spain hase yeeshee jawaabtu waxay noqotay NO diidmo qayaxan. Waxaana sidaan oo kale ay sannadki hore ku dhacday Fabio Coentrao oo la rajaynayey inuu United ku biiro ay Madrid gacan bidixeeysay, isla markaana ay kaliftay inuu iska joogo Real.
Xaalka waa u qasan yahay waxayna Real Madrid saxaafada u sheegeen in berito 1:00 duhurnimo ay ka sheekeyn doonaan wixii qaldamay, waxaase iska cad in De Gea oo caawa ku sugnaa guriga saaxiibtiis uusan ku biiri doonin Real Madrid.
Dhanka kale Manchester United ayaa iska fogeysay eedaymaha loo soo jeediyey ayna cadeysay ineey warqadihii laga sugaayey ay u direen balse xaalka ayaa u eg mid la isku tuurtuurayo waxaana mugdi ku jira xaalka De Gea oo noqon kara inuu bahdilaad kala kulmo odayga aan jixin jixin ee Van Gaal ama inuu saxiixo heshiis cusub oo ku xaqiijinayo inuu joogo Old Trafford.
Ugu danbeyntii De Gea ayaa laga yaabaa in sannadka soo socda uu ugu wareego beeca xorta ah inkastoo ay dhici karto in maamulka horyaalka La liga ay ufasaxaan inuu ku biiri karo De Gea kooxda Madrid.
Warar iska soo daba dhacaaya ayaa sheegaya in Labada kooxood ee United iyo Madrid ay abiil ka qaadanayaan dacwadna u gudbiyeen hogaanka La Liga taasoo ay ku doodayaan in warqadihii goor hore ay United soo dirtay balse lama oga ineey ku guuleysan doonaan iyo inkale..
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:30 and have

