DAAWO: SICIID DHEERE Taliyaha guud ee Ciidamada Puntland oo Hanjabay iyo C/Wali Gaas oo Wajahaya Xaalad Adag

DAAWO: SICIID DHEERE Taliyaha guud ee Ciidamada Puntland oo Hanjabay iyo C/Wali Gaas oo Wajahaya Xaalad Adag

daajis.com:- Taliyaha guud ee ciidanka Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa sheegay in ciidanka Puntland aysan mudo aad u dheer qaadan wax mushahaar ah, Gen Siciid Dheere ayaa beeniyey war dhowaan Madaxweynaha Puntland ka sheegay warbaahinta in ciidamo mushahar qaatay aysan jirin.

“Walaac bay nagu tahay inaan maalin kasta hortaaganahay Askari miskiin ah oo wixiisii maqan yihiin, markii Dawlada madaxdeedu Idaacadaha ka hadlayaana ay leeyihiin waxba ma maqna oo waa dhamaystiray ay leeyihiin, waa nasiib daro, wax la dafiri karo maaha mushahar ciidanku ma qaataan” ayuu yiri Siciid Dheere.

Siciid Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu iscasilayo hadii aan ciidanka la siin xaqooda isagoo hadalkiisa ku daray inaysan jirin sabab uu meesha usii joogo iyadoo askarigii isaga ilaalinayey uu gaajo uga tegey “Hadii sida ay tahay wax looga qaban waayo cabashada ciidanka waxaan diyaar u ahay inaan baneeyo Xafiiska, maba jirto sabab aan Xafiiska usii joogo iyadoo askarigii waardiyeynayey uu gaajo uga tegey Xafiiska, waan iscasilayaa hadaan si dhakhso ah ciidanka xaqooda loosiin”, ayuu hadalkiisa raaciyey .


HALKAN KA DAAWO VIDEO


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada