FADEEXO: Nin la dhashay Madaxweynaha oo xoog ugu saaray gurigiisa darawalkii Siyaad Barre: Sawirro

FADEEXO: Nin la dhashay Madaxweynaha oo xoog ugu saaray gurigiisa darawalkii Siyaad Barre: Sawirro

daajis.com:- Xaashi Bulxan oo ah darawalkii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore Somalia, General Maxamed Siyaad Barre, ayaa xalay xoog looga saaray gurigiisa oo ku yaala Degmada C/casiis Ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Arintan ayaa waxaa ka danbeeyay nin la dhashay Madaxweynaha Somalia oo lagu magacaabo Cali Sheekh Maxamuud oo garab ka helaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab

Xaashi Bulxan wuxuu haystaa dokumintiyada cadaynta ah oo ku xusan in guriga uu isagu leeyahay, balse Cali Sheekh Maxamuud oo la dhashay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isagu ku doodaaya in gurigaasi uu ka iibsaday haweeney ka timid dalka Britain, bilaa documenti ama cadeymihii lahaanshaha guriga.

Marar kala duwan,ayaa waxaa la damcay in xoog looga saaro dhismaha, laakiin uu fashilmay. Murunka ka dhashay gurigan, ayaa gaaray Madaxweynaha Somaliya, iyadoo aanu waxba ka qaban.

Madaxweynihii hore Somaliya, Cali Mahdi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore, Cali Maxamed Geedi, ayaa dhawaan u tagey Madaxweynaha, waxayna u sheegeen inay garanayn Xaashi Bulxan, isla-markaana uu gurigu lee yahay, waxayna ugu baaqeen in arrintaasi uu Madaxweynuhu joojiyo, intii aynaan fadeexan ka dhalan. Madaxweynaha ayaan markaasi jawaab lagu qanci karay siin Cali Mahdi iyo Cali Geedi.

Ninka la dhashay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa marar badan isku dayay in Xaashi Bulxan uu guriga ka iibsado, laakiin uu Xaashi ku adkeystay inaanu gurigiisu iib ahayn.

Xaashi Bulxan oo gurigiisa dhex taagan, wuxuu hadda ka tirsan yahay saraakiisha xafiiska R/wasaaraha

Kiiska gurigan, ayaa markii dambe gaaray heer Maxkamadeed, waxayna Maxkamadda Sare Dalka amartay inaanan la weerari karin guriga Xaashi Bulxan, waxayna Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ku eedeysay in uu iska indho tiraayo sharciga, isagoo markaasi la safan Cali Sheekh Maxamuud.

Ciidanka Nabad Suggida, ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii weeraray guriga Xaashi Bulxan, iyadoo ay xabsiga u taxaabeen. Xarigiisa waxaa maqlay Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada, waxayna shir ka dib amrayn in ninkaasi dib loogu celiyo hoygiisa, lagana wada hadlo wixii khilaaf ah ee jira.



Guriga Xaashi Bulxan ee xoogga looga saaray oo ku yaal Shibis

Ciidamada Nabad Suggida, ayaa xalay markale weeraray guriga ninkaasi odayga ah, waxayna dibadda u tuureen agabyadiisii, isagiina bannaanka dhigeen. Arrinta labaad ee layaabka dhalisay ayaa ah in ninkaasi uu guriga hortiisa dhigtay dirin/caaw, halkaana uu waagu ugu dilaacay.

Dadkii jaarka la ahaa ee garanaayay oo isagu soo baxay, ayaa ka dhiidhiyay sida foolxumada badan ee loola dhaqmay, xilli si weyn looga garanaayo deegaanka, mudadii burburkana waxaa lagu xusuustaa inaanu dalkaba ka bixin, uuna ku sugnaa Muqdisho xilligii adkaa ee soo maray.

Dadka inta damiirka leh, ayaa cambaareeyay tallaabada sharci darada ah ee leeskugu kaashaday, sidii Bulxan looga saari lahaa guriga uu xaqa u lee yahay.

Tani waa fadeexad kale oo ku dhacday Cali Sheekh Maxamuud oo lagu eedeeyo in dhul boob uu ka wado Magaalada Muqdisho, tiiyoo ay adag tahay in la helo cid ka horjoogsata.

Ugu dambeen waxaa maanta isha lagu hayaa tallaabadii ay qaadi laheyd Xukuumadda Somaliya, haddii xitaa la baal maray amarkii Maxkamadda, ee ahaa inaanan la weerari karin guriga Xaashi Bulxan

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada