VIDEO:- Bandhig Faneedkii Lagu Qabtay Magaalada Milano ee Dalka Talyaaniga

VIDEO:- Bandhig Faneedkii Lagu Qabtay Magaalada Milano ee Dalka Talyaaniga

daajis.com:-Bandhigan Lagu qabtay Magaalada Milano ee Dalka Talyaaniga ayaa shalay waxa ay ahayd maalin u gaar ah dalka Soomaaliya, iyadoona Bandhigani lagu casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalk ee Soomaaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii uu halkaasi gaaray goobta ku soo dhaweysay Roberta Pinotti, oo ah haweeneyda ku magacaaban Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Talyaaniga.

Roberta Pinotti oo bandhigan daaha ka rogtay, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kaga mahadcelisay ka soo qaybgalkiisa, iyadoona tiri waa inoo sharaf wefdigan baaxada weyn Soomaliya ee inagala soo qaybgalay Expo 2015.

Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlay goobtaas, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Somaliya ka qayb qaadato bandhigaasi, isla-markaana ay tahay tallaabo wanaagsan oo dhinaca horumarka ay qaaday Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in Somaliya ka jirto fursado ballaaran oo maalgashi lagu samaysan karo, waxa kaloo uu sheegay in Soomaaliya ay lee dahay wax soo saar wanaagsan, haddii la helo maalgashi.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada