daajis.com:- Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad ”Indha Cadde”, ayaa ka hadlay magacaabidii Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Maxamed Aadan Axmed ”Buud”.
Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad oo ka tirsan Saraakiiisha Dowladda Somaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa Taliyaha cusub ku sifeeyay mid horumar ballaaran samayn doono “Taliyaha cusub ee Ciidanka Xooga Dalka horumar badan ayuu samayn doonaa, waa nin yaqaana shaqada loo magacaabay, waa nin u khalma in xilkaasi loo dhiibo.”
Gen. Indha Cadde oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa yiri “Cid kasta oo ka tirsan Saraakiishii hore ee Xooga Dalka oo maqashay magacaabidda General Buud, aad iyo aad ayay ugu faraxday, una soo dhaweyneysaa, General Buud maaha nin ku saqajaama garaamka iyo mushaaraadka Ciidanka Xooga Dalka, waa nin wax badan ku kordhinaaya, yaqaanana shaqada loo magacaabay.”
Haddalka Indha Cadde ayaa imaanaya xili Shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada shalay lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:33 and have
, Published at