daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta dalka Talyaaniga ee Roma kula kulmay Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xaalada dalka Somalia,horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyey taageerada Talyaaniga ee dib u dhiska Somalia. Waxaa uu sheegay in iyadoo laga duulayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal loo baahan yahay in Soomaaliya maalgashi lagu sameeyo.
‘’Waxaan Mudane Madaxweyne kaa codsaneynaa inaad ku dhiirigeliso dowladdaada iyo shirkadaha ganacsiga Talyaaniga inay maalgashadaan Soomaaliya, si looga faa’iideysto kheyraadka aan leenahay. Soomaaliya waxay leedahay kheyraad u saamaxaya inay noqoto horseedka dhaqaalaha Afrika, waxaana ku dhiirigelinayaa Talyaaniga inay ka faa’iideystaan fursaddaasi oo ay ka mid noqdaan waddamada ugu horeeya ee maalgashanaya dalkeena’’.
Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa u sheegay Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa in Talyaaniga uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isla mar ahaantaana uu soo dhoweynayo codsiga Soomaaliya ee dhinacyada maalgashiga , iskaashiga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo amniga.
Waxaa uu Mr Mattarella ku bogaadiyey Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu ku bixinayo sugidda amniga, siyaasadda, fidinta adeegyada iyo arrimaha bulshada, kuwaas oo uu sheegay inay sii adkeynayaan barnaamijyada lagu xaqiijinayo dib u soo kabashada Soomaaliya, dowladda Talyaanigana ay taageero buuxda la garab taagan tahay.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka hadley arrinta muhaajiriinta ku soo qulqulaya Yurub, gaar ahaan Talyaaniga, kuwaas oo qaarkood ay yihiin muwaadiniin u dhashey Soomaaliya.
Madaxweynaha Talyaaniga Mr Mattarella ayaa soo dhoweeyay fikir uu soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in dhalinyarada Soomaalida ee u soo tahriibtey Talyaaniga, isla markaana ku guuldareystey in rasmi ahaan loo qaabilo, la siiyo tababaro mihnadeed, dalkana dib loogu soo celiyo si xirfadaha ay barteen ay ugu adeegsadaan dib u dhiska Soomaaliya.
Ugu danbeyntii, kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dal, waxaana uu ku dhammaadey jawi is afgarad leh.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:50 and have
, Published at