daajis.com:- Ciidamada amaanka dalka Kenya ee ka howlgala tuulooyin hoostaga degmada Lamu ayaa hubkii iyo dareeskii ciidan ku wareejiyay dowladda, kadib markii ay baqdin ka qaadeen weeraro kaga yimaada xoogaga taabacsan Al-Shabaab.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa daabacay in ciidamadan ay ka howlgalayeen tuulooyin ka tirsan degmada Lamu ee Gobolka xeebta dalka Kenya, waxaana ay kala yihiin tuulooyinkaasi Milimani, Basuba, Mangai, Mararani, Kiangwe, Ishakani iyo Kiunga.
lamu-policeWarku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada hubka iska dhigay ee iska diiday in ay ka howlgalaan deegaanadaasi ayaa waxay gaarayaan in ka badan boqol askari.
Tuulooyinka ay ciidamadan kasoo tageen ayaa lagu soo waramayaa in aysan wax ciidan ah hadda ku sugneyn.
Askartan ayaa waxay la kulmeen qaarkood hanjabaadyo loosoo mariyay taleefano iyo digniino kale, waxayna arintaan kusoo beegmeysa xili ciidamada Kenya ay bilaabeen howlgalo ay howdhka gobolka Boni ka fulinayaan milateriga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at