Muqdisho:- Qaban qaabada shirka wadatashiga aayaha dalka iyo Madaxda ka qeybgaleysa

Muqdisho:- Qaban qaabada shirka wadatashiga aayaha dalka iyo Madaxda ka qeybgaleysa

daajis.com:- Qaban qaabada soo dhoweynta madaxda maamulada gobolada iyo u diyaar garowga shirka wadatashiga hannaanka doorasho iyo aayaha siyaasadeed ee dalka ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho oo la filayo in beri oo ku beegan 20-ka bisha Axad, in uu furmo xarrunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid ayaa todobaadkii hore kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo in 20-ka bisha magaalada Muqdisho uu ka dhici doono shirka wada tashiga hanaanka doorasho iyo aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya sanadka 2016.

madaxda-dalkaMadaxda maamulada dalka ka jira ee maanta imaanaya Muqdisho si ay ugu qeybgalaan shirkan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan, Jubbaland, Axmed Madoobe, Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Puntland, Cabdiweli Gaas oo ugu danbeyn lagu qanciyay inuu shirkan kasoo qeybgalo.

Sidoo kale wafuud ka socota Beesha Caalamka ayaa iyana lagu wadaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay iyana uga qeyb galaan shirka wada tashigan oo la filayo inay ka soo baxaan go’aano ku aadan qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonto.

Dowladda Federaalka ayaa qaadan doonta doorka hogaamineed ee shirka wada tashiga, waxaana la filayaa in laga qeyb geliyo qeybaha bulshada, sida aqoonyahanada, dhalinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka iyo culumaa’udiinka.

Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa dhowaan si rasmi ah u cadeeyay in aysan doorasho qof iyo cod ka dhici karin Soomaaliya, iyadoo todobaadkii hore uu Baarlamaanka meel mariyay Golaha wada tashiga Hiigsiga sanadka 2016.

Shirkan ayaa marka la soo gaba gabeeyo laga soo saarayaa Road Map ama khariirad qeexeysa nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sanadka 2016.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada